Wararka soomaaliya

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in urukoodu ka dambeeyey weerar habeenkii xalay ahaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba ee caasimada u ah gobolka Bay isla markaana ah xarunta golaha baarlamaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida uu sheegay ururka Alshabaab waxaa garoonka ku shirayey saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee saldhiggoodu yahay magaalada Baydhaba kuwaas oo uu ururku sheegay in uu dhibaato xoog leh gaarsiiyey.

Dhegaha dadka ku dhaqan magaalada Baydhaba ayaa mar qura waxaa soo gaaray dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta ay ridayeen labada dhinac, inkasta oo aan la ogeen haddii uu jiro qasaare ka dhashay weerarka habeenkii xalay ahaa ay xoogagga Alshabaab ku qaaadeen garoonka diyaaradaha waqtiga oo ahaa habeen awgeed.

ma jiraan wax warar oo ka soo baxay dhanka dowladda ama ciidamada Ethiopia oo ku saabsan dagaalka xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey soo kordhayey weerarada ay xoogagga ka soo horjeedaa dowladda ay ku qaadayeen xarumaha ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin guud dalka gaar ahaan kuwa ku yaal magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba oo ah goobaha keliya ee ay dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka hesha ciidamadamo shusheeye ku sugan tahay.

www.somalikudhan.com newspage

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *