Dib u heshiisiinta beelaha degan gobolada dhexe oo dhuusamareeb ka bilaabatay

???????????????????????????????

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka bilaabatay dib u heshiisiinta beelaha wada degan gobolada dhexe, waxaana kulan ballaaran oo ka dhacay degmadaasi ka soo qeyb galay Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, nabadoonada, maamulada Gal Mudug iyo Ximin iyo Xeeb, waliba saraakiil ka tirsan Culumada Ahlu Sunna Waljameeca iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah waxgaradka beelaha degan Cabudwaaq, Balanbal, Guriceel iyo degaanada ku dhow dhow ayaa halkaasi ka jeediyay hadallo kala duwan, iyagoona dhammaantood si isku mid ah u caddeeyay in colaadihii yaryaraa ee dhex maray beelahaasi la soo afjaray, isla markaana beelaha walaalaha ah ay ka heshiiyeen xurgufihii horay u dhex mari jiray.

Guddoomiyaha Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada Galgaduud Sheekh Cumar Sheekh Cabdul-Qaadir oo khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya codka dhaqdhaqaaqa Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ee Soomaaliya ay soo dhoweynayaan isla markaana taageersan yihiin dib u heshiisiinta beelaha degan gobolada dhexe ee dalka.

“Anigoo ku hadlaya afka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca waxaan caddeynayaa inaan garab taaganahay dib u heshiisiin ka dhex islaaxda beelaha degan gobolada dhexe” ayuu yiri Sheekh Cumar Sheekh Cabdul-Qaadir.

Dhinaca kale xubno u hadlay maamulada Gal Mudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ergada ku sugan magaalada Cadaado ay soo dhoweynayaan isla markaana ka taageerayaan wax kasta oo lagama maarmaan u ah sidii beelaha ku dhaqan Mudug iyo Galgaduud ay uga heshiin lahaayeen colaadihii dhex maray.

Dib u heshiisiinta degmada Dhuusamareeb uga bilaabatay waxgaradka beelaha ku dhaqan gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo afjarto dagaaladii horay uga dhici jiray goboladaasi, inkasta oo muddo dhowr goor ah heshiisyo dhex maray beelahaasi ay burbureen kaddib markii ay dib u bilowdeen dagaal beeleedyada maleeshiyooyinka ay ka soo jeedaan beelahaasi.

Kulanka ka socda Dhuusamareeb ayaa ka duwan kulamadii hore ay yeelan jireen nabadoonada iyo waxgaradka beelaha gobolada dhexe, iyadoo ay si weyn u taageerayaan bulshada ku dhaqan gobolka oo qaati ka joogta soo noqnoqoshada colaadda beelaha goboladaasi.
Waxaa Diyaariyay: Jabriil M. Nuur
Email: [email protected]

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=29235

Posted by ccdyouth
on Feb 2 2015. Filed under News, Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *